Puntland “Shir aynan ogeyn kama dhici karo Sanaag”

|

GARAWE (KAAB TV) –Warqad ka soo baxda Xafiiska Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee maamulka Puntland ayaa sheegay in shir aysan ogeyn lagu qaban karin deegaannada maamulkaasi.

“Waxaan ku wargalinayaa masuuliyiinta ay warqadani sida tooska ah ugu socoto in la joojiyey lana mamnuucay in shir aan maamulka ogayn lagu qabto gabi ahaanba magaalooyinka G/Sanaag” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Puntland.

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale uga digay hoteelada iyo hoolasha sida gaarka ah loo leeyahay in lagu qabto shirar aysan Puntland ogayn.

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale mamnuucay in aysan gobolka Sanaag ka shaqayn Karin baabuur an lahayn taarikada Puntland.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

May be an image of text

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News