Putin: Markii 5aad madaxweyne i dhaha

|

Moscow (KAAB TV) – Madaxweynaha Ruuska Vladamir Puntin ayaa markii shanaad noqday madaxweynaha Ruushka ka dib doorasho aanan tartan adag la gelin oo ka dhacday dalka taasoo natiijadeeda lagu dhawaaqay shalay.

Laakiin natiijada guusha madaxweyne Putin waxay iska ahayd wax la sii saadaaliyay mar hore.

Aqalka madaxtooyada Ruushka ee Kremlin-ka ayaa si adag u xakameeyay nidaamka siyaasadeed, oo ay ku jiraan doorashooyinka. Ma jiro wax mucaarad muuqda ama bulsho rayid oo halkaasi ka shaqeysa.

Hoggaamiyihii mucaaradka ugu adkaa Alexei Navalny ayaa xabsiga ku dhintay bishii hore, waxaana si weyn loogu eedeeyay in madaxweyne Putin uu ka dambeeyay dilkiisa.

Natiijada doorashada

Natiijada doorashada guud ee ka dhacday Ruushka ayaa la sheegay in Vladimir Putin ku guuleystay 87% codadka guud ee doorashada.

Laakiin sidee buu u ekaan doonaa Putinka Ruushka xilliga shanaad ee madaxtinimadiisa?

Kuwa wax saadaaliya ayaa sheegaya in putinka hadda waxba ka duwanaan doonin Putinkii hore.

Dagaalka Ukraine ee weli socda ayaa la saadaalinayaa inuu sidiisa ahaan doono oo madaxweyne Putin sii laba jibbaari doono.

Fursadaha ayaa ah in madaxweyne Putin uu ku sii socdo dariiqa uu hadda ku hayo colaadaha dibadda iyo cadaadiska gudaha.

Wadamada reer Galbeedka ayaa dhaleeceeyay doorashada ay ugu yeereen “been abuurka” ee Ruushka ee Putin.

Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa durba si adag u dhalleeceeyay, kuna tilmaamay Putin inuu iskiis isku caleema-saaray.

Laga soo bilaabo hay’adda sirdoonka Ruushka ee KGB ilaa madaxtinimo, waxaa madaxweyne Putin lagu qeexay inuu yahay nin dagaal u heegan ah oo aan naxariis lahayn.

Wuxuu xukunka qabsaday sannadkii 1999 isagoo marna ahaa Ra’isul Wasaare marna isu rogay madaxweyne. Muddo 25 sano ah ayuu xukunka heystaa kaligiis.

Putin, walow uu wajahayo cadaadiis gudaha ah, haddana waxaa la sheegayaa inuu Ruushka ka dhigay dal militari.

Xagga bulshada rayidka ah ee Ruushka, waxay mar horeba ku jirtay cadaadis xooggan. Taas ayaa laga yaabaa in hadda Putin si fiican u sii xoojiyo.

Balse doorashada Putin ayaa farriin kale oo adag direysa. Waxay wadamada galbeedka iyo Qaramada Midoobay u direysaa tilmaan ah in Putin uu heysto taageerada dadkiisa si uu u sii wato dagaalka Ukraine, halka siyaasiyiinta gudaha ay doorashada Putin u direyso farriin ah in uu jiro hal nin oo aan laga daba hadli karin; waana Putinka marka shanaad noqonaya madaxweynaha dhulka Ruushka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News