Moscow (KAAB TV) – Madaxweyne Putin ayaa shaaca kaqaada in dagaalka Falastiin iyo Israa’iil uu yahay mid kadhashay fashilka siyaasada arrimaha dibadda ee Mareykanka.
Sidoo kale, isagoo bilowgii wadahadal layeeshay R/Wasaaraha Ciraaq uu layeeshay Mohammed Al-Sudani ayuu Putin markii ugu horeysay kaga hadlay dagaalka Israa’iil iyo Falastiin.
Madaxweyne Putin ayaa intaasi kudaray in Mareykanku isku dayayo in uu kali kunoqdo dejinta siyaasada guracan, laakiin si laga xumaado ma aysan dhibin inay raadiyaan tanaasulaadyo ey aqbali karaan labada dhinac.
“Mareykanka ayaa kuguuldareystay in uu kuxisaabtamo danaha muhiimka ah ee dadka reer Falastiin isagoo iska indhatiraya go’aanada golaha guud ee Qaramad Midoobe oo sheegaayay abuuritaanka dowladd madax banaan oo ay Falastiin leedahay.
Dhinaca kale, Safiirka Ruushka ee Israa’iil ayaa sheegay in laba muwaadin oo Ruush ah lagu dilay dagaalkii u dambeeyay ee Israa’iil iyo Falastiin.
Danjire Anatoly Viktorov ma uusan magacaabin dhibanayaasha, isagoo hadal uu sii daayay Channel 1-ka ee dowladda Ruushka ku sheegay in safaaraddu aysan ka warqabin xaaladda dhimashadooda oo aysan wali la xiriirin qoysaskooda.
Viktorov wuxuu sheegay in afar kale oo muwaadiniin Ruush ah la la’yahay. Waxa uu sheegay in safaaraddu aysan haynin wax war ah oo xaqiijinaya sheegashada Xamaas ee ah in dhowr qof oo Ruush ah ay ku jiraan la haystayaashii ay qafaashay.