SO | EN

SO | EN

Q.M ‘’Waxaa ka sii daraysa xaaladda GAZA , haloo joojiyo xabadda’’

|

NewsYork (Raxanreeb)   Golaha amniga ee Qaramada Midoobay ayaa markale ku baaqday in la joojiyo xabada ka sii socoto marinka GAZA halkaas oo ay ka taagan tahay xaaladii ugu darnayd.

Golaha oo fadhi gaar ah ku yeeshay NewYork ayay ku sheegeen in ay ka walaacsan yihiin , xaalada ka sii daraysa iyo dhimashada sii siyaasadayso eek a jiranka Marinka GAZA.

Kaddib xaalad bani’aadannimo oo aad u liidata siina qoto-dheeraaneysa oo ka jirta Gaza, ayay 193 xubin oo ka tirsan Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ansixiyeen qaraar ku baaqaya xabbad-joojin.

Qaraarka ayaa waxaa haa ugu codeeyay 153 waddan, 23 ayaa ka aamustay, halka 10 dal ay maya ugu codeeyeen.

Maamulka Falastiin ayaa soo dhaweeyay qaraarka kuna boorriyay waddamada in ay Isra’il cadaadis ku saaraan dhaqangelinta xabbad-joojinta.

Tan iyo marki ay Isra’il billowday duqeymaha cirka ah ee Gaza 7-badi bishii Octonber, in ka badan 18,000 oo ruux oo u badan dumar iyo carruur ayaa lagu dilay Marinka Gaza.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News