Muqdisho (Kaab TV) – Xubnaha waddamada Afrika ka socda ee ku jira ururka hanti-dhowrada Afrika ayaa walaac iyo niyad jab ka muujiyay qaabka loo sameeyay magacaabista hanti-dhowrka cusub ee Soomaaliya.
Horraantii bishii Febraayo ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu xilka Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka u magacaabay Axmed Ciise Guutaale oo aan lahayn wax khibrad iyo aqoon la xiriirta shaqada hanti-dhowrka.
Kaab TV ayaa ogaaday in xubnaha beesha caalamka ay walaac weyn ka muujiyeen magacaabistan. Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka (World Bank) ayaa su’aal ka keenay heerka aqooneed ee hanti-dhowraha cusub.
Khubarada Bangiga Adduunka iyo Hay’adda IMF ee Soomaaliya ayaa u soo jeediyay madaxweynaha inuu dib u eego magacaabista maadaama xafiiska Hanti-dhowrka uu muhiim u yahay arrinta deyn cafiska ee socday.
Xafiiska Hanti-dhowrka ayaa qeyb ka ahaa shuruudo dhowr ah oo horey loogu xiray hirgelinta qorshaha deyn cafinta, iyadoo dowladda Soomaaliya lagu wargeliyay inay isbeddelo muuqda ka sameyso arrimaha shuruucda qandaraasyada iyo iibka iyo in hanti-dhowrku noqdo hay’ad madax-bannaan oo awood u leh inay shaqadeeda qabsato.
Diblomaasiyiinta dhowr ka mid ah safaaradaha reer galbeedka ayaa iyaguna muujiyay walaac la mid ah midka IMF iyo Bangiga Adduunka, iyagoo weliba su’aal ka keenay qaabka uu madaxweyne Xasan Sheekh ku xushay Hanti-dhowraha cusub.
Axmed Guutaale ayaa ahaa weriye la soo shaqeeyay idaacadda HornAfrik, isagoo markii dambe shaqo ka heley qeybta wax-soo-saarka ee hay’adda BBC Media action oo horraantii 2014 laga ceyriyay. Wuxuu kadib ku biiray, kana noqday agaasime idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho illaa looga magacaabay Hanti-dhowraha Guud ee Soomaaliya.
Shirkii AFROSAIE ee Accra
Walaaca beesha caalamka waxaa hadda sii xoojiyay markii shirkii Guddiga Hanti-dhowrada afrika ee AFROSAIE ee ka dhacay magaalada Accra ee dalka Ghana ay tageen xubno ka socda Hanti-dhowrka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Hanti-dhowraha Guud ee Soomaaliya Axmed Ciise Guutaale.
Il wareed ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa u sheegay Kaab TV in madaxda AFROSAIE ay ku soo wargeliyeen dowladda Soomaaliya walaaca ay ka qabaan tayada maamulka cusub ee xafiiska Hanti-dhowraha Soomaaliya.
Xubnaha AFROSAIE ayaa sheegay in shakhsiga hanti-dhowrka cusub hoggaaminaya uusan wax fikrad ah ka heysan shaqada hanti-dhowrka, isla markaana ay ka niyad jabsan yihiin inuu hoos u sii dhacayo kaalintii Soomaaliya ee hanti-dhowrada AFROSAIE.