BOOSAASO (Kaab TV) – Puntland ayaa galinkii dambe ee Khamiistii dalka Itoobiya u dirtay qaar ka mid ah askartii ku dhaawacantay weerarkii kooxda Daacish ku soo qaadeen saldhigga ciidamada Puntland maalintii Isniinta.
War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in Guddiga Taakuleynta iyo Daryeelka Caafimaadka ee hawlgalka ciribtirka argagixisada, oo fulinaya amarkii Madaxweynaha Dowladda Puntland, ay ambabixiyeen dhaawacyada u baahnaa dhakhtar dibadda ah.
Dhaawacyada ayaa laga dhoofiyey garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, waxaana sagootiyey ciidanka Guddiga Taakuleynta, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Agaasimaha Hay’adda PMPF, iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Tirada dhaawacyada lama shaacin, hase yeeshee waxaa lagu sifeeyay inay xaaladooda caafimaad u baahnaayeen dhakhaatiir dibadda ah, isla markaana aan dalka wax looga qaban karin.
Dowladda Puntland ayaa codsi u dirtay Itoobiya, taasoo aqbashay in dhaawacyada lagu daweeyo dalkeeda.
Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa Khamiistii hawlgal baaritaan ah ka sameeyey deegaannada ku teedsan Buuraha Calmadow, gaar ahaan Timirshe oo ka tirsan degmada Isku-Shuban, halkaasoo saraakiishu sheegeen inay ku sugayeen amniga.
Kooxda Daacish ayaa Isniintii weerar is-miidaamin ah ku qaaday saldhigga ciidamada Puntland ee Dharjaalle oo ku yaalla buuralayda Calmadow ee gobolka Bari. Weerarkaasi waxaa lagu dilay illaa siddeed xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaasoo la sheegay inay ajaaniib ahaayeen.
Puntland ayaa wada hawlgal loogu magacdaray “Hillaac,” kaasoo ay ku dooneyso inay buuraleyda kaga sifeyso kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.