Baladweyne (KAAB TV) Goobaha waxbarashada ee ku yaalla magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan ayaa dib loo furay kadib markii in muddo ah ay xirnaayeen islamarkana ay saameyn ku yeelatay fatahaadii webiga shabeelle ee ku dhuftay magaalada baladweyne .
iskuulka Hormuud oo ka mid ah iskuulada ay wax ka bartan arday badan ayaa si rasmi ah loo furay. Mid ka mid ah macalamiinta iskuulka hormuud oo lagu magacaabo cabdiraxmaan cabdulahi cabdule oo la hadlay kaab soomaali tv ayaa yiri’ Awalan alaah subxaanuhoo watacaalaa ayaa mahad iska leh fatahaadihii magaalada baladwyne ka dhacay ka dib in aan dib isu soo noqono ka bah waxbasha ahaan in xaruntii machadka hoose dhexe iyo sare ee hormuud aan dib u furno iyadoo fatahaadii ka dhacday magaalada baladweyne ay saameyn aad u weyn ku yeesheen qeybaha waxbarashada i su socodkii magaalada iyo ganacsigii intaba ay saameeyeysay fatahaadii ka dhacay magaalada baladweyne.
Hada farxad ayay noo tahay in aan ku soolaabaano shaqadii isla markaana aan dib u bilowno howlihii waxbashada.
Sameynta ay nogu yeelatay ka wax barasha ahaan waa mid aad iyo aad u weyn mar walba ardayda waxbarata waxay wax ku bartaan sanad dugsiyeed adag ardayda waxaa loo diyaariyaa in ay u diyaar garoobaan imtixaanadii ama manhajka ayuu yiri.
Maamulaha iskuulka Hormuud ee magaalada Baladweyne Ahmed Abdullahi Mohammed Tall man ayaa u sheegay KAAB soomaali tv in ay dib u bilaabeen waxbarashada iskuulka kadib markii in muddo ah uu xirnaa iskuulka, isagoo sheegay in guud ahaan iskuulada magaalada dib loo furay.
Maamulaha iskuulka Hormuud ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan qaadista imtixaanka, .
“Waxaa si rasmi ah noogu bilowday waxbarashadii iskuulka oo in muddo ah xirneyd, maxaaayeelay waxaa saameyn nagu yeelatay fatahaadii wabiga shabeelle,
Iskuulada dib loo furay waxaa kamid ah Dugsiga Hoose Dhexe sare ee Cumar bin Al khadhaab, Buundo-wein, Sigma , Sheikh Maxamed Macallin , Ramadaan , Horseed, Mujamac dhiiba tacliim ,Cabdi Soomane, iyo Al-aqsa kuwaas oo ay saaameyn ku yeelatay fatahaada Wabiga Shabeele uu kageystay magaalada baladweyne.
W\D:Bashiir abdulahi osmaan .
Baladweyne.soomaaliya