Colombia (KAAB TV) – Qaar kamid ah wadamadda caalamka ee sida weyn u cambeereeya gabod falada Isra’iil kawado magaalada Gaza ayaa sii badanaya xili ciidanka Isra’iil ey gudaha ugaleen magaalada Gaza oo ay gacanta kuhayaan Xamaaz.
Sidoo kale, Reer Galbeedka ayaa taageero buuxda u muujiyay kooxda Isra’iil, iyagoo ka aamusay iney ka hadlaan xasuuqa Isra’iil wali ka wado gudaha Gaza.
Dhanka kale, Dowladda Bolivia ayaa si kulul u cambaareysay xasuuqa kala joogsiga aan leheen ee Isra’iil kawado Gaza waxeyna sheegtay in xiriirka diblumaasiyadeed ey ujartay Isra’iil.
Wasiir kuxigeenka arrimaha dibada dalka Bolivia ee Freddy Mamani oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay iney sicad ugu jareer xiriirka maamulka Isra’iil, isagoo ku tusaaleeyay in aan laga aamusi karin gabood falada Isra’iil ey kuwado dadka reer Falastiin.
Hoggaamiyaasha dalalka Colombia iyo Chile ayaa u yeertay safiiradooda u jooga Isreal, waxa ayna hoggaamiyaasha labadan dal si kulul u cambaareeyeen xasuuqa Isreal geesanyso.