SO | EN

SO | EN

Xildhibaanada Puntland oo wada qorshe liiska argagixisada loogu daraayo Soomaaliland

|

Garoowe (Kaab TV) – Qaar kamid ah Xildhibaanada maamulka Puntland oo kashaqeynaya in liiska argagixisada lagu daro Somaliland.

”Muuse Biixi iyo maleeshiyaadkiisu hadda waa buuxiyeen dhammaan shuruudihii lagu noqon jiray argagixiso sida uu Laascaanood-ba ka sameeyay ee falalka bahalnimada ah, ” ayuu yiri xildhibaan kamid ah kuwa wada qorshahaan ka dhanka ah Somaliland.

Sida ay sheegeen Xildhibaanadan, waxay qorsheynayaan in soo jeedintaan horgeyn doonaan fadhiga Baarlamanka Puntland ee bisha June si uu go’aan gole u noqdo.

Somaliland iyo bulshada reer SSC ayaa si weyn u kala fogaaday tan iyo markii uu qarxay dagaalka Laascaanood, kaasi oo qaatay billooyin dhowr ah, uuna ka dhashay khasaare xooggan.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso xilli ay xukuumadda Somaliland ay wajaheyso culeysyo waaweyn oo ah xagga ciidanka iyo cadaadisyo diblomaasiyadeed, oo caalami ah xili ay sii socdaan colaadaha sii daba dheeraanaya ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Go’aannada Baarlamanka Puntland ayaa waxaa la sheegayaa in inta badan saameyn xooggan ku leeyihiin xubnaha laga soo doorto degaannada SSC ee hadda isku hayaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Xildhibaanadan ayaa waxay doodda ugu weyn ee u cuskanayaan qorshahaan ay ku doonayaan in Somaliland lagu daro liiska argagixisada, ku saleeyay duulaanka Somaliland ee Laascaanood.

Dagaalkan ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay beesha caalamka, iyadoo dhowr dal iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen Somaliland inay gaysatay dambiyo dagaal iyo xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News