MUQDISHO (Baraarug) – Halka ay dunida dadku isku xirmaan xirfado, dano wadaag ah, iyo fursado horumarineed, Soomaalida weli waxay inta badan isku raadsataa qabyaalad aan dani ugu jirin horumarka bulshada.
Tani waxay caqabad ku tahay horumarka, maadaama kartida iyo aqoonta qofka la iska indho-tiro, iyadoo la doorbidayo xigto iyo qabiil. Taas beddelkeeda, haddii la dhiirrigeliyo isku xirka xirfadaha iyo iskaashiga wax-wada-qabsiga, waxaa abuurmi lahaa fursado badan oo horumar lagu gaari karo.
Dhageyso sharaxaadda Axmed Cabdi Haadi, oo ah u dhaqdhaqaaqe arrimaha bulshada iyo macallin jaamacadeed.