DOOXA (KAAB TV) -Lataliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin, ayaa kulanla yeeshay Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Qatar, Dr. Mohammed Al Khulaifi, xilli ay ka wada qeyb galayaan madasha Oslo Forum.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa isla gartay in la sii xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah, iyagoo ka wada hadlay fursadaha lagu sii hormarin karo taageerada Qatar ee Soomaaliya.
Xuseen Macallin ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar taageerada joogtada ah iyo doorka muuqda ee ay ku leedahay horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.
Dhanka kale, Dr. Al Khulaifi ayaa xaqiijiyay in Qatar ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo ka go’an tahay in ay ka qeyb qaadato amniga, horumarka iyo dhismaha hay’adaha dowladda Federaalka.