Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Qalab Finland ugu deeqday SNTV oo la xaday iyo mas’uuliyiin ku lug leh

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Qalab isugu jira kaamirooyin iyo agabka xiriiriya istuudiyaasha telefishanka oo deeq ahaan dowladda Finland ugu deeqday Telefishanka Dowladda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyay in laga qaatay xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Mid kamid ah shaqaalaha istuudiyayaasha telefishinka oo sababo ammaan dartood magaciisa aan u qarinnay ayaa noo sheegay in agabkan ay qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, lana tuhunsan yahay in la geeyay goobo kale oo si gaar ah loo leeyahay.

Tani waxay noqoneysaa qirashadii ugu horreysay oo hawl-wadeennada Wasaaradda Warfaafinta ku qirtaan in qalab deeq ahaan loogu keenay wasaaradda la musuqmaasuqo.

Bil ka hor ayaa waxaa soo baxday in Xafiiska Hanti-Dhowrku uu ku hawlan yahay baaritaanka qalab FM-yo ah oo sida la sheegay deeq ahaan loo siiyay Wasaaradda Warfaafinta ayna bixiyeen Qaramada Midoobay laga iibsaday warbaahinno gaar loo leeyahay.

Qalabka maqan 

Qalabka maqan ayaa ka kooban kaamirooyinka Sonny PXW-Z150 4K XDCAM CAMRECORDER (3 xabo) iyo kaamirooyinka war-wareega ee Blackmagic Studio Camera HD (3 xabo). Dhammaan qalabkan ayaa waxaa deeq ahaan u bixisay Finland oo soo marsiisay Hay’adda VIKES oo xiriir la leh Wasaaradda Warfaafinta.

Waxaa lagu qiyaasayaa in qalabkan qiimihiisu gaarayo tobannaan kun doolar.

Sida uu baahiyay SNTV 27 Oktoobar 2019, “Dowladda Finland oo ay wakiil ka tahay hay’adda VIKES ee laga leeyahay dalkaas ayaa qalab casri ah ku wareejisay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed waxaa qalabka guddoomay una mahad celiyay dowladda iyo shacabka reer Finland Agaasimaha Guud ee (xilligaas) Wasaaradda. Agaasimaha Guud xilligaas wuxuu Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo hadda ah Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta.”

Qalabka maqan wuxuu qeyb ka ahaa deeq Finland ay keentay bishii Oktoobar 2019.

“Agaasimaha telefishinka iyo nin ka socda Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda ayaa bil kahor istuudiyaha iigu yimid anigoo heeganka shaqada ku jiro, waxayna igu amreen in aan bannaanka uga baxo istuudiyaha.  Waxaan iska fariistay fadhiga SNTV anigoo aan wax shaki ah qabin. Waxyar ka bacdi ayaa waxaa i agmaray labo nin oo qalabka farsamayaqaanada wato  oo ”face mask” xiran,” ayuu yiri mid ka mid ah farsamayaqaannada oo Kaab TV la hadlay.

“20 daqiiqo meelahaas markii ay ka soo wareegtay ayeey labadii nin oo kaameradaha istuudiyaha weyn oo noocoodu yahay Black-magic oo ay dowladda Finland SNTV ugu deeqday ka soo baxeen waxayna toos u aadeen xafiiska agaasimaha telefishinka,  Maxamedkaafi,” ayuu sii raaciyay.

Kaamirooyinka maqan oo ay Finland ku deeqday ayaa ku kacaya tobannaan kun doolar.

Qof ka tirsan shaqaalaha SNTV ayaa isaguna noo sheegay in kaamirooyinka telefishinka qaranka la geeyay guri ku yaalla degmada Waaberi, halkaasoo la aaminsan yahay in uu ku yaallo goob istuudiyow ah oo gaar loo leeyahay.

Sida ay sheegayaan shaqaalaha SNTV, Agaasimaha SNTV ee hadda, MaxamedKaafi Abuukar, ayaa sidoo kale wax ka leh urur lagu magacaabo CAFIS oo sida la sheegay furtay istuudiyaha ku yaalla degmada Waaberi.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli ay dowladda Soomaaliyeed ku jirto hawlgal ay sheegtay inay kula dagaalamayso musuqmaasuqa iyo boobka hantida qaranka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ayaa 22 bishii Juun 2023 shaaciyay in la soo xiray saraakiil ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo lagu eedeeyay xatooyo iyo musuqmaasuq, kuwaasoo illaa hadda aanan la horkeenin maxkamad.

Ilo xog ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in labo mas’uul oo kale oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta hadda lagu wado baaritaan la xiriira lunsasho miisaaniyad dhaqaale.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News