Muqdisho (KAAB TV) – Iyadoo howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) uu gabagabo ku dhow yahay December 2024, waxaa soo baxday xaalad aan la fileyn oo xasaasi ah oo ay ku lug leeyihiin dhowr askari oo Itoobiyaan ah oo hadda ku sugan Soomaaliya. Askartan oo ka baqaya in haddii ay dib ugu laabtaan dalka Itoobiya, ayaa muujiyay rabitaankooda ah in ay sii joogaan Soomaaliya oo ay magangelyo weydiistaan.
Sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan sirdoonka ciidamada qaranka Soomaaliya, tiro ka mid ah askarta Itoobiya oo ugu horrayn ka howlgala gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, ayaa si qarsoodi ah u sheegay in ay ka caga jiidayaan in ay dib ugu laabtaan Itoobiya marka uu dhammaado howlgalka ATMIS-ka. Taa beddelkeeda, waxay rajeynayaan inay magangalyo ka helaan waddan saddexaad, iyagoo sabab uga dhigaya go’aankooda “colaadaha ba’an ee gudaha iyo rabshadaha sii kordhaya” ee dalkooda hooyo.
Cabsida askartan ayaa ka dhalatay colaadda ka aloosan dalka Itoobiya oo tan iyo sanadkii 2022 ay ka dhaceen rabshado, afduub iyo lacago madax furasho ah oo ay ka dalbanayeen kooxo hubeysan oo kala duwan. taasoo ka dhigaysa ammaan darro inay guryahooda ku noqdaan. Askarta Itoobiya waxay aaminsan yihiin in joogitaanka Soomaaliya, ugu yaraan si ku meel gaar ah, ay u siinayso beddel ammaan ah ilaa ay magangelyo ka helayaan waddan kale.
Xaaladdan ayaa caqabad adag ku ah labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya iyo sidoo kale beesha caalamka oo u baahan in wax laga qabto walaaca ay qabaan askartan maadaama laga gudbayo ATMIS. Dowladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin arrintan.

