Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Qaramada Midoobay oo wacad ku martay inay Soomaaliya ka caawin doonto horumarinta waaxda duulista

|

MUQDISHO(KAAB TV)- Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa wacad ku maray inuu dardar gelin doono dadaallada lagu horumarinayo waaxda duulista hawada ee dalka. Madaxa UNSOS iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Aisa Kacyira Kirabo, oo dib u eegis ku sameeyay sida ay u socdaan howlaha tayeynta adeegyada duulista hawada ee ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo shaqaalaha duulista Soomaaliya, ayaa ku ammaanay dowladda wadashaqeynta ay la leedahay UNSOS iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta daryeelka Shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan halkan u joognaa inaan u adeegno ujeeddada ah inaan Soomaaliya awood u siinno inay si sharaf leh ku sii socoto, waxaana u mari doonnaa wax walba oo aan idinku taageerno,” ayay Kacyira ku tiri hadal ay ka soo saartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Barnaamijka awoodda-dhisidda duulista waxaa sameeyay oo uu hoggaaminayay Ernest Manzano, madaxa adeegyada duulista ee UNSOS. “Awood-dhisidda aan sameyneyno waa wax dhaafsiisan tababarka,” ayay tiri. “Waa isbedel maskaxeed oo dhan, waxaan rabnaa inaan awoodno ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed si ay ula wareegaan dhammaan mas’uuliyadda duulista.” Barnaamijku wuxuu diiradda saarayaa amniga duulista, dab-demiska garoonka diyaaradaha, hawlgallada xeeladaysan ee ciidamada, xakamaynta hawada, daadgureynta caafimaadka, saadaasha hawada, iyo hawlgallada aan duuliyaha lahayn. “Tababarkan waxaa ujeedadiisu tahay in lagu diyaariyo sidii mas’uuliyadaha amniga looga wareejin lahaa howlgalka Midowga Afrika ee ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya oo lagu wareejinayo ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo madaxda maamulka hawada Soomaaliya,” ayay tiri UNSOS. Waxa ay sheegtay in hadafku uu yahay ugu dambeyntii in la tayeeyo ciidamada Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo haweenka ku jira duulista iyo mustaqbalka dalka.

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa muujiyay sida ay dowladda uga go’an tahay kordhinta ka qeybgalka haweenka ee dhanka duulista iyo ciidamada qaranka. “Xafiiskaygu wuxuu hadda diyaarinayaa istaraatiijiyad haweenka, nabadda iyo amniga, waxaan wali ku jirnaa la-tashiyo ku aaddan istaraatiijiyadda, waana xilliga ku habboon in la aqoonsado doorka muhiimka ah ee haweenku ka geysan karaan horumarinta qaranka,” ayuu yiri Cali. Maynard Alvin Thomas, oo ah khabiir ku takhasusay kobcinta awooda UNSOS ayaa sheegtay in ay qabteen tababaro xiriir ah oo lagu taageerayo hanaanka kala guurka ee Soomaaliya. “Koorsooyinkani waxay daboolayaan calaamadaha, wada shaqaynta, gaadiidka, caafimaadka iyo injineernimada, hogaaminta dagaalka, iyo isgaarsiinta raadiyaha,” ayuu yidhi. “Waxaan sii wadeynaa inaan bixino koorsooyin badan oo ku saleysan qiimeynta baahida hordhaca ah. Sannadkan waxaan haysanaa bartilmaameedka ugu yar ee 600 oo shaqaale,” Thomas ayaa yiri. ■

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News