Galgaduud (KAAB) – Bariga gobolka Galgaduud ayaa lagu soo waramayaa in saakay halkaasi uu ka dhacay qarax miino ah oo ay ku dhinteen saddex nin oo isku qoys ahaa, kuwaa oo ay haleeshay miino lagu aasay wadada.
Sidoo kale, qaraxan ayaa ka dhacay deegaanka Cali Heelle oo u dhow degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud, waxa uuna qabsaday mooto nuuca loo yaqaan Fecon-ta oo ay wateen raggan qaraxa ku dhintay.
Dhanka kale, saddexda nin ee qaraxa ku dhintay oo ilmo adeero ahaa ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Yaasiin Xasan Shirwac, Maxamed Shariif Cumar iyo Geedi Maxamed Afrax, waxaana raggan midkood la sheegay in deegaanka u tagay qaraabo salaan
Sidoo kale qaraxa kadib waxaa goobta ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya waxa ayna halkaasi ka qaadeen meydadka saddexda dhallinyaro ee qaraxa ku dhintay, kuwaa oo isla maanta la aasay.
Deegaanno badan oo katirsan bariga gobolka Galgaduud oo la filayo in ciidanka dowladda ka sameeyaan howlgalo ayaa lagu aasay miinooyin, waxaan miinooyinkaasi mararka qaar waxyeelo kasoo gaartaa dadka shacabka ah.