SO | EN

SO | EN

Qarax ismiidaamin oo kadhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga

|

Ankara (KAAB TV) – Nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay inuu abaarihii 9:30 daqiiqo ee barqanimadii maanta oo Axad ah isku qarxiyey afaafka hore ee dhismaha Taliska Guud ee amniga Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Turkiye ee magaalladda Ankara.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in labo askari oo katirsanaa ciidamada ammaanka dalka Turkiga ku dhaawacmeen Qaraxaasi is-miidaaminta ah ee ka dhacay magaalada Ankara.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Ali Yerlikaya ayaa sheegay inay labo dabley ah mas’uul ka ahaayeen qaraxaasi, iyadoo uu mid is-qarxiyey, halka mid kale ay ciiddanka ammaanka toogteen.

Dhanka kale, Qaraxaasi waxa uu ku soo beegmay saacado ka hor duritaanka kal-Fadhiga Barlamaanka dalka Turkiga ee ka furmaya magaalada Ankara.

Labada duhurnimo ayuu furmi doonaa Shirkaasi oo uu Madaxweyne Erdoğan iyo dhamaan Xildhibaanada ka soo qeyb geli doonaan.

Ciiddamo badan ayaa la soo dhigay daafaha Dhismayaasha Barlamaanka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi.

Si kastaba, ma kala cadda Kooxda ka dambaysay Is-Qarxintaasi, balse waxa uu falkaasi ku soo beegmay iyadoo ay Milliteriga Turkish-ka Hawlgalo ka dhan ah Kooxaha Hubeysan ee PKK iyo Daacish.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News