SO | EN

SO | EN

Qarax ka dhacay magaalada Baraawe

|

Baraawe (KAAB TV) – Wararka ka imaanaya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in qarax miino oo halkaasi ka dhacay uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay qaraxa miino, waxaana ku dhaawacmay laba ruux kale, kaasoo ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe.

Labada ruux ee ku dhaawacantay qaraxa ayaa dhaawacoodu haatan lagu dabiibaya xarumo caafimaad oo ku yaala gudaha magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa miino uu ahaa mid lala beegsaday gaari ku sii jeeday garoonka diyaaradaha Baraawe, kaasoo doonayay inuu magaalada u soo qaado Jaad.

Ma jirto ilaa hada cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyada qaraxaan miino ee khasaaraha geystay, waxaana xusid mudan in qaraxyada noocaan oo kale ah masuuliyadiisu sheegan jireen kooxda Al-shabaab.

Ugu dambeyntii ciidamada amaanka ee degmada Baraawe oo gaaray goobta qaraxa ka dhacay ayaa bilaabay baaritaano la xiriira qaraxa miino, hayeeshee wali si rasmi ah wax faahfaahin ah uga bixin laamaha amaanka qaraxaan miino ee sababay dhimashada iyo dhaawaca.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News