Muqdisho (KAAB TV) – Faah faahin ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax Miino oo maanta ka dhacay Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Qaraxa oo la sheegay in uu ahaa mid xooggan ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Ex-koontarool Afgooye iyo Haanta-dheer, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 5 qof oo rayid ah.
Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah qaraxa ayaa ka dhacay goob ay dad badan ku sugnaayeen, waxaana qaraxa uu sababay argagax lama filaan ah, waxaana hakad galay dhaq dhaqaaqii caadiga ahaa.
Saameynta qaraxa ayaa si ku meel gaar ah u hakisay isu socodka wadada mashquulka badan ee Warshadaha oo ah wado muhiim ah oo inta badan ay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.