Muqdisho (KAAB ) Askar ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weerar qaraxyo ah lagu qaaday , kuwaas oo ku sugnaa degmada Dharkanlay ee Muqdisho.
Koox hubaysan ayaa la sheegay in ciidankan oo ku sugnaa xaafadda Kaabagoday ee degmada dharkenlay dhawr bambooyin lagu tuuray isla markaana ay xigeen qaraxyo waxyeelo – gaystay.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku geeriyooday hal askaeri seddax kalana waa ay ku dhaawacmeen kuwaas oo la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho.
Saraakiisha maamulka degmada Dharkenlay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxyadaas ay u soo qab qabteen tiro dad ah haddana ay ku hayaan baaritaan.
Xaalada degmada Dharkanlay hadda waa ay degan tahay waxaana socda howlgal ciidanka ay ku doonayaan in amniga ay ku sugaan si aysan u soo laaban weerarada sidan oo kale ah.