Tasjiic (KAAB TV) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa oo ka imanaaya gobolka Bari, ayaa sheegaya in goordhaw qarax miino oo lala eegtay ciidamo katirsan maamulka Puntland, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale, qaraxan miinada ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Tasjiic ee katirsan gobolka Bari, waxaana qaraxa lala eegtay ciidamo katirsan kuwa difaaca Puntland ee qeybta ka ahaa howlgalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah ee Daacish.
Dhnka kale, ugu yaraan ilaa 6 askari, ayaa ku geeriyootaya waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo ciidamada kamid ah, waxaana aagga qaraxa ka dhacay gaaray ciidamo kale oo gurmad ah oo halkaasi ka qaaday meydadka iyo dhaawacyada askarta.
Sikastaba, qaraxan miino ee lagu dilay askarta badan, ayaa imaanaya xilli ciidamada maamulka Puntland buuraha gobolka Bari kawadaan howlgallo baaxad weyn oo looga ciribtirayo kooxaha argagaxaisada ah ee katirsan Daacish.