Goob Joogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Miinada Qaraxeeda laga maqlay Xaafadaha ku yaala Degmada, waxaana ilaa hadda la xaqiijiyay inuu hal Qof oo rayid ah ku Geeriyooday.
Si gaar ah Goobtaan uu qaraxa uu uga dhacay waxaa lagu yaqaanaa inay tahay goob aad u saxmad badan xilliyada Duhuradii iyo Galbihii waxaana maqaayadda agteedi ku yaala Masjid lagu magacaabo Muumino Ceelbuur oo inta badan salaadda Janaasada lagula tukado Meydadka lagu aaso Degmadaasi Dayniile.
Ninka Qaraxa ku dhintay ayay dad Goob Joogayaal ah magaciisa ku sheegeen Caduur Maxamed Bariise sidoo kale waxa ay xaqiijiyeen inay ku dhaawacmeen ilaa 3 qof oo kamid ahayd dadkii maqaayada joogay.
Goobta qaraxa ka dhacay, ayaa waxaa u dhaweed goob ciidamada amaanka gaadiidka ku baaraan ,lamana soo sheegin wax khasaaro ah oo qaraxa kasoo gaaray ciidamada goobta ka agdhawaa.