Qarax miino oo lagu dilay Taliyihii Amniga Buulamareer

|

Warar laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in qarax miino lala beegsaday gaari uu la socday sarkaal lagu magacaabay Cabdisalaan Qoobeey, kaas oo la sheegay inuu ahaa Taliyihii Amniga deegaanka Buulamareer.

Sida ay sheegayaan xogaha laga helayo ilo amni, sarkaalka ayaa xilliga qaraxu dhacayay hoggaaminayay ciidamo gurmad ah oo ku sii jeeday deegaanka Golweyn, halkaas oo uu dagaal ka socday. Kolonyada ayaa maraysay waddada isku xirta Buulamareer iyo Golweyn markii gaariga uu la socday lala beegsaday qaraxa.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in qaraxa uu sababay dhimashada taliyaha iyo askar ilaalo u ahayd oo la socotay kolonyada. Ciidamada gurmadka ayaa la sheegay inay ka koobnaayeen saddex gaari, balse xogta rasmiga ah ee tirada dhimashada iyo dhaawaca weli si madax-bannaan looma xaqiijin.

Dhanka kale, dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu ka bilowday deegaanka Golweyn, kadibna uu ku fiday dhanka Buulamareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa la sheegay inay maqleen dhawaqa hubka culus iyo rasaasta ay isweydaarsanayaan dhinacyada dagaallamaya, iyadoo xaaladda amni ee goobahaasi ay noqotay mid kacsan.

Wararka laga helayo aagga dagaalka ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku adeegsadeen hub noocyo kala duwan leh, waxaana dagaalka barbar socday qaraxyo lala beegsaday ciidamo gurmad ah oo dowladda ka tirsan.

Qaraxa lagu beegsaday gaariga uu la socday Cabdisalaan Qoobeey ayaa yimid xilli ciidamadu isku dayayeen inay gurmad u fidiyaan cutubyo ku dagaallamayay Golweyn.

DHEERAAD:  XOG: Socdaalkii Xoghayaha IGAD Dr. Workneh ee Muqdisho

Dhacdadan ayaa muujinaysa khatarta ay ciidamada gurmadka kala kulmaan waddooyinka isku xira deegaanada Shabeellaha Hoose, gaar ahaan xilliyada uu dagaalku ka socdo aaggaas.

Buulamareer iyo Golweyn ayaa ka mid ah deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose ee ay muddooyinkii kala duwanaa ka dhaceen dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab. Deegaannadan ayaa sidoo kale muhiim u ah isku socodka ciidamada iyo gaadiidka isaga kala goosha waddada Baraawe iyo Muqdisho.

Dagaalka hadda laga soo sheegayo aaggaas ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan isbeddello la xiriira bixitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, kuwaas oo muddo dheer ka hawlgallayay qaybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News