SO | EN

SO | EN

Qarax nooca Miinada dhulka lagu aaso ayaa saakey aroortii hore kadhacay Zoobe

|

Muqdisho (KAAB TV) – Qarax nuuca miinada ah ayaa saakay aroortii hore ka dhacay isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho, waxaana jugta qaraxan laga maqlay qeybo badan oo Muqdisho katirsan.

Sidoo kale, Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa miino lagu xiray goob ganacsi oo kutaalla isgooska Soobe, goobta la qarxiyay ayaa xilligaasi la sheegay in ay xirneed.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo dumar ah ayaa qaraxa miino ku dhaawacantay, waxaa sidoo kale khasaaro bur bur uu soo gaaray goobta ganacsi ee qaraxa lagu xiray.

Dhanka kale, Laamaha ammaanka ayaan wali ka hadlin qaraxa miino ee saakay ka dhacay Muqdisho, mana jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxan saakay lagu xiray goobta ganacsi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News