JOWHAR (KAAB TV) – Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa sheegaya in qarax lala eegtay Gaari ay la socdeen Dad rayid ah kaas oo isaga kala gudbayay Waddada isku xirta Magaalooyinka Jowhar & Mahadaay.
Inta la xaqWiijiyay labo ruux ayaa geeriyootay halka tiro ka badan ay dhaawacmeen kaddib markii gaari ay la socdeen Dadkaas ay ku qaraxday miino Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday Magaalada Jowhar si ay u helaan daryeel Caafimaad.
Gaariga ayaa guud ahaan burburay waxaana gurmad dadka waxyeellada soo gaartay oo dhallinyaro u badan u sameeyay Dadka deegaanka iyo kuwo kale oo socoto ku ahaa Waddadaas qaraxa uu ku haleelay sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Doonka Buur-fuule oo lah goobta uu qaraxa ka dhacay waxa uu deegaankaan kamid yahay deegaannada ugu badan ee qaraxyada kala kulmaan Gaadiidka isaga kala gudubta magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Waxaa lagu wadaa in Dadka dhaawacyadoodu daran yahay in loosoo qaado Magaalada Muqdisho mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa la sheegay in ay booqasho ugu tagayaan Dadkaas dhaawacyada soo gaaray.