SO | EN

SO | EN

Qaraxyo ka dhacay magaalada muqdisho.

|

Muqdisho (KAAB TV)- Labo qarax oo waaweyn ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho caasimada Somalia kuwaasoo laga maqlay meelo badan.

Warar ayaa sheegaya in qaraxyadan ay ahaayeen kuwa fuliyeen ciidamada amaanka DF.

Laamaha amaaanka ee Dowladda ayaa qaraxyada ka hor shacabka ku wargeliyay iney jiri doono tijaabo hub culus ah, sidaas darteedna haddii ay maqlaan dhawaqa hub culus aysan u qaadan wax amniga lid ku ah.

Dadka qaar oo aysan gaarin wargelinta dowlada ayaa qaraxyada u qaatay kuwo ka dhashay weeraro ka dhacay Magaalada oo qeyb ka ah qaraxyadii ay geysan jirtay Al shabaab.

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa u soo joogay qaraxyo lagu hoobtay oo sanadihii la soo dhaafay ka dhacaymagaalada muqdisho ee  caasimada soomaaliya  kuwaasoo ku reebay maskaxdooda saameyn adag.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News