Muqdisho (Kaab TV) – Weerar qaraxyo ah ayaa caawa lagu qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayada oo la maqlay dhowr qarax oo is-xigxigay iyo rasaas xooggan.
Xogaha qaar ayaa sheegaya in dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay galeen hotel Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido, ayaga oo adeegsanaya weerar qaraxyo ah.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in la maqlayo rasaas xooggan oo ka dhacaya gudaha Hotelka la weeraray, waxaana loo maleynayaa inay u dhaxeyso Al-Shabaabka iyo ciidamada dowladda.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in weerarka ay fuliyeen rag soo xirtay jaakadaha qarxa, kadibna ay koox hubeysan ku xigsatay, kuwaasi oo hadda gudaha ka dhex dagaalamaya.
Xeebta Liido ayaa ah meel habeenada Jimcaha aad u mashquul badan, oo ay tagaan dhallinyarada, waxaana la arkayey dad ka kala cararaya goobta, balse waxaa sidoo kale jira dad ku go’doonsan aagga.
Wixii faahfaahin ah oo kasoo kordha qaraxa halkan kala soco