SO | EN

SO | EN

Khasaaraha kadhashay dhulgariirka Morocco oo sii kordhaya

|

RABAT (KAAB TV) – Waxaa marba marka kadambeysa sii kordhaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dhul-gariirkii ku dhuftay qeybo kamid ah dalka Morocco, waxaana wali socda gurmadyo ay sameenayaan kooxaha gurmadka ee ku sugan deegaannada dhul-gariirka ku dhuftay.

Sidoo kale, dadka ku dhintay dhul-gariirka ka dhacay dalka Marocco ayaa hadda kor u dhaafay 2,000 kun oo qof, halka tirada dhaawacyada iyana sii kordhayaan, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashada kasii badatao inta hadda la ogyahay.

Dhanka kale, Wasaaradda Arimaha Gudaha Morocco war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in 1,400 oo qof ay qabaan dhaawacyo halis ah, waxa ayna wasaaraddu sheegtay in ay socdaan gurmadyo caafimaad oo loo fidinayo dadkaasi halista ku jira.

Dhul-gariirka ku dhiftay dalka Morocco ayaa cabirkiisu ahaa 6.8 ayaa, waxa uuna ka dhacay deegaanno hoostaga magaalada Marrakesh iyo magaalooyin kale habeenimadii Jimcaha, dhibaatada ugu daran ayaana ka dhacday dhulka fog ee buuraleyda ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News