SO | EN

SO | EN

Qaxooti isugu jiro waddamo kala duwan oo laga soo daadgureeyay Liibiya oo la geeyay Ruwanda

|

Ruwanda (Kaab TV) – Dowladda Ruwanda ayaa qaabishay 134 qaxooti oo magangalyo doon ah kuwaas oo laga soo daad gureeyay dalka Liibiya, kuwaas oo u kala dhashay wadamo ay kujirto Soomaaliya.

Dadkan oo la geeyay magaalada Kigali ayaa waxay kala yihiin 64 Eritrea, 35 Sudan, 15 Soomaali ah, 17 Itoobiyan ah, 2 Cameroon & 1 Mali.

Qaxootigan ayaa la dejindoonaa Xarunta Gaadiidka Gashora, halkaas oo dadkii kale ee la soo daadgureeyay ay ku sugan yihiin.

Dowladda Rwanda, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR), iyo Midowga Afrika ayaa ka shaqeeyay in la sameeyo goob kumeel gaar ah oo loogu talo galay qaxootiga lagasoo celiyo waddamada kale.

Tan iyo 2019, Rwanda waxay martigelisay in ka badan 1,600 magangalyo doon ah. Muddadaas, UNHCR waxay ka shaqaynaysay sidii ay xal ugu heli laheyd dadkan.

Xalkaas waxaa ka mid ah in dib loogu celinayo waddamadoodii, ama suurtagalnimada in ay ku sii nagaadaan Rwanda.

Warbixin ay siisay The New Times bishii Abriil, afhayeenka UNHCR ee Rwanda, Lilly Carlisle, ayaa muujisay rabitaanka hay’adda ee ah in la kordhiyo heshiiska daad guraynta qaxootiga ee magangalyo doonka oo la geeyo dalka Ruwanda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News