Garoowe (KAAB TV) – Shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay sida ay u arkaan in adeegyada dowladda lagu xiro qaadashada kaarka aqoonsiga ee hay’adda Nira.
Sidoo kale, shacabka Garoowe ayaa sheegay in aysan diyaar u aheyn qaadashada kaarka aqoonsiga ee hay’adda Nira, madaama maamulka Puntland uu horey uga mamnuucay deegaannada maamulkaas in aan laga qaadan karin kaarka Nira.

