SO | EN

SO | EN

QM: Dhoofinta dhuxusha Kismaayo oo si kooban loo fasaxay, maxayse uga dhigan tahay Al-Shabaab

|

NEW YORK (KAAB TV) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qaraar cusub oo si ku meel gaar ah u fasaxaya dhoofinta dhuxusha, oo ay horey Qaramada Midoobay ugu soo rogtay cunaqabatayno kala duwan.

Qaraarkan cusub ayaa lagu sheegay, “in iyada oo la ogsoon yahay in xaaladda Soomaaliya ay weli khatar ku tahay ammaanka iyo nabadda caalamka, in haddana golaha ammaanku uu si wadajir ah u ansixiyey qaraar qabyo ah oo ka hadlaya, in hal mar la hakiyo, cunaqabataynadii hore ee saarnayd si meesha looga saaro dhuxusha kaydsan.”

 Qaraarkan oo tirsigiisu yahay 2696 (2023) ayaa 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay taageereen in dawladda Soomaaliya ay qaado tallaabo ay si dhamaystiran meesha uga saaraysa dhuxusha kaydsan, iyada oo raacayo codsiga ay dawladda Soomaaliya u gudbisay golaha, bishii August 14-keedii.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo shaaciyay Qaraarka maalintii Khamiista ayaa shaaciyay inay u fasaxayaan dawladda Faderaalka Soomaaliya, in xayiraad muddo kooban ooh al waqti ah laga qaadayo xayiraadda soo dejinta iyo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, si ay u faarujiso kaydka dhuxusha ee yaalla magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda.

Horey waxay Qaramada Midoobay u sheegtay in lacagaha malaayiinka ee kasoo xarooda dhoofinta dhuxusha Soomaaliya lagu maalgeliyo kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa illaa hadda maamusha dhulka miyiga ee ka baxsan Kismaayo, halkaasoo gawaarida dhuxusha qaada ay soo maraan, iyagoo sidoo kale canshuur ka qaata kuwa dhuxusha ka ganacsada.

Xayiraad ka qaadista kooban ayaa suuragal ka dhigi karta, siday khubaradu sheegayaan, in Al-Shabaab ay dhankeeda ka hesho macaashka ka yimaada iibka dhuxushan marka la dhoofiyo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News