NEW YORK (Kaab TV) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah u ansixiyay in la dhiso hawlgal cusub oo QM ka fulin doonto Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabay Hawlgalka Kala-guurka iyo Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).
Hawlgalkan ayaa bedeli doona Hawlgalka Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxaana loo qorsheeyay in uu socdo muddo laba sano ah laga bilaabo bisha Novembar 2024.
Dhamaan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa u codeeyay qaraarkan Arbacadii, taas oo muujinaysa taageero xooggan oo caalami ah oo loo hayo qaab cusub oo Soomaaliya looga taageero xasilloonida.
UNTMIS ayaa diiradda saari doonta taageeridda kala-guurka Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo dowladnimada, iyada oo la sii wadi doono dadaalladii UNSOM laakiin la waafajinayo baahiyaha cusub ee dalka.
Waxaa la filayaa in waajibaadka hawlgalka cusub uu ku jiro in la taageero amniga, dowladnimada, iyo horumarinta Soomaaliya iyadoo dalka uu ku guda jiro dadaallada lagu doonayo nabad waarta, iyada oo weli ay jiraan caqabado ay kamid yihiin amniga iyo xiisadaha siyaasadeed.