Muqdisho (Kaab TV) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta gaaray dalka Uganda, halkaasoo uu ka furmayo shir ay isugu imaanayaan madaxda iyo saraakiisha wadamada ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee hawlgalka Midowga Afrika (ATMIS).
Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa shaacisay in shirka ka furmaya magaalada Kampala uu “qiimayn ku samayn doono waajibaadka Hawlgalka ciidamada ATMIS iyo qorshayaasha dhimista ciidamada si loogu gogol xaaro in ciidanka Xoogga Dalka ay si buuxda ula wareegayso mas’uuliyadda amniga.”
Hase yeeshee xogta uu helay Kaab TV ayaa muujineysa in shirkan la bilaabay qaban-qaabadiisa kaddib markii Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo bixiya lacagta hawlgalka ATMIS ay ka biyo diideen qorshe uu madaxweyne Xasan Sheekh la yimid oo ahaa in hawlgallada ka dhanka ah kooxda al-Shabaab loo adeegsado ciidamada waddamada safka hore ee Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.
10,000 ciidanka Itoobiya ah
Villa Soomaaliya ayaa si gaar ah uga codsatay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed Ali, illaa 10,000 askari oo aan qeyb ka ahayn hawlgalka ATMIS. Sida uu Kaab TV kasoo xigtay il wareed ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ciidankan oo qeyb ahaan horey ugu jiray Soomaaliya ayaa la qorsheeyay in gobollada koonfurta iyo bartamaha lasoo geliyo si ay uga qeyb-qaataan dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.
Wadamada Kenya iyo Jabuuti oo qeyb ahaan ku jira hawlgalka ATMIS ayaan la caddeynin tirada ay ballanqaadeen.
Hase ahaatee, caqabad weyn ayaa hadda hortaagan Villa Soomaaliya ka dib markii deeq-bixiyaasha – QM iyo Midowga Yurub – ay si cad ugu sheegeen Villa Soomaaliya inaan la aqbali karin in ciidamada safka hore lasoo geliyo dalka, iyadoo aysan jirin cid lagula xisaabtamo mas’uuliyadda xadgudubyada ay geysanayaan ciidamadan.
Walaaca reer galbeedka
Reer galbeed, gaar ahaan Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa sidoo kale uga digay Villa Soomaaliya in kacdoon kale oo ka dhan ah dowladda uu iman karo haddii ciidanka Itoobiya oo aan ku jirin hawlgalka ATMIS lasoo geliyo gobollada dalka.
Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub waxay horey uga cawdeen lacagta tirada badan ee ku baxda ATMIS iyo inaysan jirin wax la taaban karo oo hawlgalkan uu soo kordhiyay marka laga eego in mas’uuliyadda ammaanka ay la wareegaan ciidamada Soomaaliya taasoo weli aanan suuragal ahayn.
Waxay labada hay’adood sidoo kale soo bandhigeen walaac dhab ah oo la xiriira xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhalan kara in ciidamo aanan heysan sharciyad ay ka qeybqaataan hawlgalka hadda socda.
Arrintan ayaa ciriiri gelisay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda wajahaya xaalad go’doon ah oo ka dhalatay. Sida ay sheegayaan ilo wareedyada Villa Soomaaliya, go’aanka Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub iyo digniinta ay siiyeen Mareykanka iyo Ingiriiska, ayaa sababtay in madaxweyne Xasan Sheekh uu codsi u dirsado wadamada ku jira hawlgalka ATMIS oo hadda shirkooda isugu imaanaya Kampala.
Dhanka kale, warar beryihii lasoo dhaafay soo baxay ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya ay ka laabatay qorshihii hore ee ahaa in la yareeyo tirada ciidanka ATMIS si tartiib-tartiib ah iyadoo la diyaarinayo ciidan Soomaaliyeed oo mas’uuliyadda amniga kala wareega.