QM oo hakisay bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya

|

NEW YORK (KAAB TV) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hakiyay muddo saddex bilood ah ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, ka dib markii waddamada ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ay soo codsadeen.

Ciidamada ATMIS ayaa la sheegay inaan looga maarmiin inay dowladda tabarta daran ee Soomaaliya ka difaacaan kooxda Al-Shabaab oo dagaallo ay kula jiraan.

Goโ€™aankan oo soo baxay Khamiistii ayaa daba socday codsi ka yimid dalka Geeska Afrika oo ku aadanaa in ciidamada ay sii joogaan dalka si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhammaan dalalka Midowga Afrika ee ku yaboohay askarta ciidamada iyo goluhu waxay isku raaceen in la joojiyo bixitaanka 19,000-ka askari ee ka socda Midowga Afrika.

Ciidamadan ayaa sannadkii hore waxa ay bedeleen howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo muddo 15 sano ah ku sugnaa dalka Soomaaliya oo gacan ka geysanayay nabadeynta Soomaaliya.

ATMIS ayaa qorshuhu ahaa in dalka ay ka wada baxaan ugu dambeyn bisha Disembar 2024.

Bishii Sebtembar ee sannadkan ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu codsaday in la hakiyo bixitaanka isagoo sheegay in ciidamada dowladda ay la kulmeen guul-darrooyin waaweyn oo sababay in goobaha dagaalka qaarkood laga soo baxo.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee waddamada Uganda, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Burundi ayaa sidoo kale warqad ay u direen Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ku dalbaday in la hakiyo bixitaanka ATMIS.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News