SO | EN

SO | EN

QM oo shaaca ka qaaday in 39 qof ay ku dhinteen dagaal beeleedyadii u dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya.

|

NAIROBI (KAAB TV) –Muranka dhulka: 39 oo lagu dilay dagaal beeleedyo ka dhacay Soomaaliya 2 bilood gudahood – QM
Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, OCHA, ayaa shaaca ka qaaday in 39 qof ay ku dhinteen dagaal beeleedyadii u dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya labadii bilood ee la soo dhaafay.

OCHA waxa ay sheegtay in isqabqabsi dhanka dhulka ah ay sabab u tahay colaadahaasi oo ay ku dhinteen 35 qof oo ka dhacay gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, iyadoo afar kalena ay ku dhinteen magaalada Luuq ee koonfurta Soomaaliya.

Waxay kaloo sheegtay in in ka badan 42,000 oo qof oo u badan haween, carruur iyo dad da’ ah ay ku barakaceen rabshadihii ka dhacay Luuq horraantii bishii Luulyo, kuwaasoo ay ku jireen 12,000 oo u qaxay meelo adag oo magaalada ka baxsan.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa intaa ku dartay in dadka cusub ee soo barakacay ay ku jiraan bulshooyin ay horay ugu barakaceen fatahaadaha oo hadda la kulmay barakac labaad.

OCHA ayaa sheegtay in dagaal beeleedyo ka dhacay gobolka Mudug intii u dhaxaysay 26-kii June ilaa 2-dii Luulyo ay ku khasbeen in ka badan 26,000 oo qof in ay ka cararaan guryahoodii, kuwaas oo boqolkiiba 30 ka mid ah ay ahaayeen xoolo-dhaqato ay ku guuleysteen in ay la cararaan xoolahooda.

Waxay intaas ku dartay in aan ka yarayn 96,000 oo qoys ay saameeyeen iskahorimaadyada hubaysan iyo jaahwareerka cimilada ee dhawaan ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News