SO | EN

SO | EN

QM: Sarkaal Ilaalada QM ayaa lagu dilay hoobiye lagu soo tuuray Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar hoobiyeyaal ah oo lagu qaaday xerada Xalane oo ku dhex taalla garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo ay ku taallo xarunta Qaramada Midoobay.

Dhacdadan, oo dhacday habeenimadii Khamiista, ayaa sababtay dhimashada sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobay (UN Guard).

Catriona Laing, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa canbaareysay weerarka.

Waxay carrabka ku adkeysay doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaaraan Unugga Ilaalada Qaramada Midoobay si loo xaqiijiyo badbaadada iyo ammaanka shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku hawlan taageerada nabadda iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Danjire Laing ayaa tiri, “Waan cambaareyneynaa falkan rabshadda ah, waxaan la jirnaa qoyska iyo asxaabta dhibbanaha inta lagu jiro waqtigan adag.”

Madaafiic dhowr ah, oo ay sheegteen in ay soo abaabuleen kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab, ayaa lagu garaacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaas oo aan kaliya sababin dhimashada Ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobay, balse sidoo kale waxa ay waxyeelo u geysteen kaabayaasha dhaqaalaha ee xerada Xalane.

QM ee Soomaaliya ayaa ku baaqday in si deg deg ah cadaaladda loo horkeeno dadkii ka dambeeyay weerarka.

Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa yiri “Iyadoo ay jirto xaalad adag ayaa haddana QM waxa ay xaqiijineysaa in ay ka go’an tahay in ay taageerto shacabka iyo dowladda Soomaaliya dadaallada socda ee lagu doonayo in dalka looga hirgeliyo nabad iyo xasillooni.”

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News