SO | EN

SO | EN

Qodobo aan la shaacin oo ay isku fahmi waayeen Xasan Sheekh & Farmaajo.

|

Doha (KAAB) Warar   kala duwan ayaa ka soo baxaya qodobada ay isla soo qaadeen madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxwaynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War  ka soo baxay  Villa Soomaaliya ayaa keliya looga hadlay in madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud  magaalada Doha  uu kula kulmay Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyagoo ka wada hadlay xaaladda dalka iyo duruufaha ku xeeran.

Xafiiska Madaxweynaha oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kala hadlay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdulaahi Farmaajo guulaha ay dowladiisu gaartay.

Hase yeeshee warka ka soo baxay dowlada Soomaaliya ayaan lagu sheegin in ay ka wadahadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo khilaafka ku salaysan wax ka bedelka dastuurka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa boggiisa Facebook u sheegay in uu ka walaacsan yahay qorshaha dowlada ee wax ka bedelka dastuurka.

“Waxaan ka walaacsannahay qorshaha Madaxtooyada ee lagu laalayo dastuurka iyo hannaanka maamul ee dalka, kaas oo ay ka dhalanayso qalalaase siyaasadeed oo wiiqaya hannaanka ku saleysan Federaalka iyo wadatashiga ee heshiiska lagu yahay.”ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku nool dalka Qadar tan iyo markii looga guuleystey doorashadii madaxtinimada dalka taasoo markale loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhawr jeer ayaa Madaxwaynihii  hore oo dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku nool Doha waxa uu ka hadlay arinta muranka badan dhalisay ee wax ka bedelka Dastuurka oo uu aad ugu ololaynayo Xasan Sheekh Maxamuud

Sidoo kale Madaxwaynihii dowladii KMG Shariif ayaa ka mid ah madaxda aadka u diidan ololaha  uu hormuudka ka yahay Xasan Sheekh oo wax ka bedelka nidaamka doorasho iyo awoodaha dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News