SO | EN

SO | EN

QOOR QOOR oo magacaabay wasiiro cusub

|

Dhuusamareeb (Kaab TV)– Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor  oo wareegto cusub soo saaray ayaa magacaabay wasiiro cusub oo ka mid noqonaya golaha wasiirada ee maamulkaasi Qoor Qoor ayaa soo saaray liiska lix xubnood oo cusub, kuwaas oo isugu jiro wasiiro wasiir ku xigeenno iyo wasiir dowleyaal sida lagu caddeeyay wareegtada.

1-C/qaadir Shire Warsame wasiirka wasaaradda tamarka iyo biyaha 2-Cabdirisaaq Cali Jaamac wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada 3-Liibaan Cabdi Maxamed wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada 4-C/kariin Macallin Axmed wasiiru dowlaha wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka 5-wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare 6-Maxamed Axmed Maxamed wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale waxaa wareegtadan lagu faray hay’adaha kale ee Galmudug inay la shaqeeyaan wasiirada cusub ee xalay uu magacaabay madaxweyne Qoor Qoor waxaa la farayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowlad goboleedka Galmudug inay la shaqeeyaan wasiirada cusub si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo ayaa lagu yiri degreetada.

Waxaa kale lasii raaciyay qoraalka Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa markuu saxiixo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug

Magacaabistan ayaa kusoo aadeyso xilli haatan madaxweynaha Galmudug uu socdaal ku marayo deegaano ka tirsan gobollada dhexe oo uu kasocda howlgal ka dhan ah Shabaab Hasayeeshee marar badan madaxweyne Qoor Qoor ayaa isbeddal ku sameeyay golihiisa wasiirada,isaga oo sabab uga dhigay in la helo wasiiro karti leh oo shaqeyn kara.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News