Dhuusamareeb (KAAB TV) – Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xilka ka qaaday Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Galmudug Cabdirisaaq Maxamed Maxamud.
Sidoo kale, Qoorqoor ayaa faray Wasiiru-Dowlaha Wasaarada Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Liibaan Cabdi Maxamed in uu sii wado howlaha wasaaradda.
Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Facebook ee madaxtooyada Galmuudug ayaa lagu shaaciyey talaabada xilka looga qaaday Wasiirka.
Dhanka kale, Lama cadeynin sababaha keenay xilka ka qaadista Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Galmudug Cabdirisaaq Maxamed Maxamud iyo waxa ay salka ku heyso