SO | EN

SO | EN

Qorrax madoobaad ka dhacay waqooyiga America

|

NEW YORK (KAAB TV) – Qorrax madoobaad saacado kooban socday ayaa ka dhacay dalalka Waqooyiga Ameerika,  gaar ahaan Mexico, Mareykan iyo Canada saacado ka mid ah Isniintii.

Goobtii ugu horreysay oo laga arkay waxay noqotay magaalada xeebta leh Mazatlan ee dalka Mexico oo guud ahaan mugdi habeen oo kale ah gashay muddo 4 daqiiqo ah, xilli ay saacado maraysay 11 barqonimo iyo siddeed daqiiqo, tan oo la sheegay inay ka dhalatay markii dayaxu uu isku aadiyey qoraxda.

Xaaladan ayaa la sheegay in sidoo kale laga arkay Mareykanka gaar ahaan gobollada Texas illaa Maine galabnimadii maanta.

Mareykanka, Canada iyo Mexico ayaa la sheegay in  81.9 % qorraxdu way qarsoontay 1:45 duhurnimo ilaa 4:21  galabnimo ee maanta xiliga maxaliga ah

Marka xigta ee la qiyaasayo in qorrax madoobaad kan la m mid ah uu ka dhaco dunida waxay nqoon doontaa sanadka 2045.

Qorrax madoobaadkan ayaa lagu tilmaamay kii ugu saameynta badnaa muddo 375 sano ah

Magaalooyinka qaar ee Maareykanka. Canada iyo Mexico  ayaa wada mugdi noqday malaayiin qof ayaana iskugu soo baxay jidadka iyagoo gashan ookiyaaleyaal loogu talo galay in lagu fiiriyo qorax madoobaadka si ay u daawadaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News