Afmadow (KAAB TV) – Sargaal sare oo katirsan ciidanka daraawiishta maamulka Jubbaland, ayaa ka shifay qorshe dowladda federaalka Soomaaliya ku dooneysay in lagu khalkhal galiyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, loogana horkeeno ciidamo katirsan maamulkiisa, si doorashada uu rabo loo fashiliyo.
Sidoo kale, gaashanle Dhexe Mahad Maxamed Islaam, oo ah taliyaha ciidanka daraawiishta Jubaland ee degmada Afmadow, ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay xiriir lasoo sameenayeen masuuliyiin iyo saraakiil katirsan Wasaaradda Gaashaandhigga, kuwaa uu tilmaamay in qorshe gaar ah ka rabeen.
Dhanka kale, Sargaalkan ayaa sheegay in xubnaha lasoo xiriirayay ka codsanayeen in ciidanka uu hoggaamiyo ee jooga Afmadow kusoo wareejiyo dowladda Soomaaliya, si ay ula wareegaan degmada Afmadow, waxa uuna xusay in loo soo diray lacag, sidoo kale loo ballanqaaday darejo ciidan iyo dallacsiin.
”Waxaan la wadaagayaa dhammaan Ummada Soomaaliyeed iyo bulshada ree Jubbaland arrin maalmahan taagnaynd oo ku saabsan xiriir joogto ahaa oo na dhex maray aniga iyo Wasaaradda Gaashaandhiga DFS oo ku saabsan sidii aan Dowladda Federaalka iyo Ciidamadeedda ugu wareejin lahaa Taliska Ciidamada Darawiishta Jubbaland ee fadhigoodu yahay Degmada Afmadow iyadoo arintaas aan ku badalanayo balanqaad dhaqaale, dalacsiin iyo in aniga iyo Ciidamada Taliska Darawiishta Jubbaland ee Degmada Afmadow aan kamid noqonayno Ciidamada Xooga dalka iyadoo waajibaadka nalaga rabo uu yahay in aan kasoo hor jeedsano Doorashada Jubbaland ka socota isla markana ay noo iman doonan Ciidamo laga soo diri doono Magaalada Muqdisho oo nala soo dagi doona sidaasna Degmada Afmadow aan ugu gacan galino Dowlada Federaalka ah” ayuu yiri taliye Mahad Islam.
Taliyahan katirsan ciidanka daraawiishta Jubbaland , ayaa sidoo kale sheegay xubnaha lasoo xiriiray ee katirsan Wasaaradda Gaashaandhigga u sheegeen in ay jiraan saraakiil kale oo arrimahan lagala hadlay ayna aqbaleen, waxa uuna xusay in isaga u cuntami weysay in uu kahor yimaado Axmed Madoobe.
”Waxay sarakiisha ila soo xiriirtay ee ka tirsan wasaarada gaashandhiga ii sheegeen inay jiraan sarakiil badan oo ay xiriir la sameeyeen anigana aan kuwaas kamid ahay isla markana la iga doonayo in aan kasoo boxo shaqada la ii igmaday taas oo shaqsiyan ii cuntami wayday in aan masuul ka noqdo qalalaase abuuri doona burbur, barakac iyo in dagaalo lagu hoobto ay ka dhacaan deegaanka aan masuulka amni uga ahay Dowladda Jubbaland,” ayuu yiri Mahad Islaam.
Taliyahan katirsan ciidanka maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale caddeeyay in lacagta ay usoo dirtay dowladda Soomaaliya oo gaareysa 130 kun oo dollar uu ku wareejiyay Wasaaradda Maaliyadda maamulka Jubbaland, uuna go’aansaday in uu daacad usii ahaado Axmed Madoobe.
Sikastaba, arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya si weyn uga soo horjeedo doorashada uu mar kale qabsanayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, taa oo lasii ogyahay in uu mar kale kusoo bixi doono uuna sii ahaan doono hoggaamiyaha Jubbaland.