MUQDISHO (Kaab TV) –Qoysaska shaqaalaha markab ay burcad-badeed ku haystaan meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya ayaa shaaciyey in xubnaha markabka ay weli ku jiraan gacanta kooxaha afduubka tan iyo 2-dii May, iyagoo muddo ka badan 45 maalmood wajahaya xaalado adag oo bani’aadannimo.
Sida ay qoysasku sheegeen, shaqaalaha markabka ayaa la ildaran cunto iyo biyo yari ba’an, halka sidoo kale ay la kulmayaan culays nafsi iyo mid jireed oo ka dhashay muddada dheer ee ay ku jiraan afduubka.
Xaaska mid ka mid ah saraakiisha markabka, Mu’min Karam, ayaa warbaahinta u sheegtay in heshiis hordhac ah uu dhex maray milkiilaha markabka, milkiilaha xamuulka iyo kooxaha burcad-badeedda, kaas oo dhigayay in madax-furasho la bixiyo si loo sii daayo markabka iyo shaqaalihiisa.
Si kastaba ha ahaatee, qoysasku waxay ka digeen in dib u dhaca ku yimid wareejinta lacagta madax-furashada uu halis gelin karo hirgelinta heshiiskaas, isla markaana uu sababi karo in burcad-badeeddu ka laabtaan heshiiska ama ay dalbadaan lacag ka badan tii lagu heshiiyey.
Ugu dambayn, qoysaska dadka la afduubay ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Masar iyo Yemen inay dardargeliyaan dadaallada lagu xallinayo arrintan, si loo xaqiijiyo sii deynta shaqaalaha markabka loona sugo inay si nabad ah ugu laabtaan ehelladooda.

