Baledweyne (KAAB TV)- Dadkii ka barakacay fatahaadii dhawaan ku dhufatay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa bilaabay inay dib ugu soo laabtaan guryahoodii. Wabiga Shabeelle oo xaafado badan ka sameeyay fatahaado xooggan ayaa bilaabay inuu guro, taasoo keentay in qoysaskii dib ugu laabtaan.
Xaafadaha ay sida weyn u saameeyeen fatahaada wabiga Shabelle ayaa waxaa kamid ah Xaafadaha Kooshin iyo Xaawo Taako, waxaana halkaasi ka barakacay qoysas badan. Intaa waxaa dheer, Bundaweyn iyo Wohlwadaag waxay la kulmeen daadad xoogan. In kasta oo ay jiraan xaalado adag, oo ay ka mid yihiin waddooyin qarsoomay iyo wadooyinka oo ay weli biyo ku jiraan , qoysaskii barakacay qaarkood ayaa bilaabay inay dib u laabtaan guyahoohada .
Fatahaada, oo todobaadkii hore ku dhufatay Magaalada Baledweyne, ayaa sababay barakac baahsan iyo burbur xoogan oo soo gaaray guryaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Fatahaadan dhawaan ayaa noqonaysa tahaadii labaad ee ugu weyneed ee ka dhacda magaalada muddo lix bilood gudahood ah.
Dadka soo laabtay waxay la kulmaan jawi adag marka ay ka shaqeynayaan nadiifinta iyo dayactirka guryahooda iyo xaafadaha. Dawlada hoose iyo ururada samafalka ayaa la filayaa inay bixiyaan taageero maalmaha soo socda si ay gacan uga geystaan dadaalada soo kabashada.
Iyadoo dadka reer Baledweyne ay bilaabayaan geeddi-socod adag oo dib-u-dhis ah, waxaa jirta baahi xooggan oo loo qabo xalal mustaqbalka fog ah si loo yareeyo saameynta fatahaadaha soo noqnoqda ee gobolka. Kaabayaasha dhaqaalaha ee la xoojiyey iyo nidaamyada maaraynta daadadka ayaa muhiim u ah ka hortagga barakaca mustaqbalka iyo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida bulshada.
W/D: Bashiir Abdulahi Osmaan
Baledweyne.Somaaliya