MUQDISHO (Kaab TV) – Guddi ay iska soo xuleen qoysas kumanaan gaaraya oo magaalada Muqdisho ku barakacsan, kuwaas oo dhulalkoodii uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta la kulmay hoggaamiyaasha madasha mucaaradka ee Muqdisho.
Batuulo Maxamed Cosoble oo ka mid ahayd qoysaskii ku noolaa xaafadda Zone-K ee degmada Hodan ayaa sheegtay in dhul qoyskoodu uu lahaa, oo aabeheed uu ku dhashay sannadkii 1906 hadda laga qaatay si xoog ah.
Waxay sheegtay in dukumintiyadeeda la tagtay Maxkamadda Gobolka Banaadir, hase ahaatee lagu wargaliyay inay tahay in ay la xiriirto madaxweyne Xasan Sheekh oo dhulka ka iibsaday ganacsato.
“Ma aanan filaynin in sida reer Falastiin oo kale aan maanta dhulkeena u dacwoon doono,” ayey tiri Batuulo.
Waxay sheegtay inay diyaar u tahay inay mudaaharaadyo ka dhigaan jidadka Muqdisho, iyagoo dalbanaya in kuwa dhulkooda boobay looga soo celiyo.
Xasan Xareed Diini ayaa isaguna sheegay inuu ka dukaan yar ku lahaa xaafadda Taleex, ee dedgmada Hodan laga burburiyay, halkaasna uu ku waayay meeshii uu nolol maalmeedka uga soo saaran jiray qoyskiisa.
“Dhulkii aniga la iga qaaday wax dan guud ah laguma qaban, ee waxaa la siiyay shakhsi kale oo aniga oo kale ah,” ayuu yiri Xasan Xareed oo tilmaamaya dhulkii Carwada Qaranka oo dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ay ka iibsatay Premier Bank oo qeyb weyn ka ah barakicinta qasabka ee shacabka Muqdisho.
Intii munaasabadan kulanka ay socotay waxaa tacsi loo diray 7 ruux oo lagu dilay rabshado ka dhacay xaafadda Tarabuunka 14kii bishaan Agoosto ka dib markii ciidamo taabacsan madaxweyne Xasan Sheekh oo doonaya inay dadweyne barakiciyaan ay dagaal la galeen ciidan diidanaa falka barakicinta iyo dad shacab ah oo hubeysnaa.
Falkaasi ayaa sababay in qoysas lagu qiyaasay kumanaan kale ay barakacaan ka dib markii dagaalka hubeysan uu ku faafay xaafadaha rayidka.
Waxay su’aal ka taagan tahay lacagaha tirada badan ee lagu kala iibsanayo dhulka dadka danyarta laga barakicinaayo.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in lacagahan ay ku jiraan shaki badan, oo ay suuragal tahay inay ka timid kooxihii burcad badeeda ama argagixiso, sida uu sheegay, maadaama kooxaha ganacsatada ee lacagahan malaayiinka doolar ku iibsanaya dhulka laga boobay shacabka aysan lahayn raadraac sax ah oo ku aadan halkay ka timid lacagtooda.
“Ma ahan ganacsato la yaqaano, ee waa dhallinyaro aan la ogeyn halkay ka keeneen lacagta. Ma burcad badeedii ayay ka keeneen hantida, mise Al-Shabaab? Lama yaqaano,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan oo goobta ka hadlay.
Siyaasiyiinta mucaaradka oo uu ka mid yahay Madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed, Ra’isul Wasaare hore Xasan Cali Khayre, Wasiirkii hore arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka mid ahaa xubnaha mucaaradka ee ka qeyb galay kulanka lala yeeshay qoysaska barakaca.
“Waxaan aad uga xunnahay in dowladdii Soomaaliyeed oo loogu talagalay in ay dadka iyo dalka difaacdo, inay maanta mashquul ku tahay barakicinta dadka,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Waxaa digniin loo diray dhammaan kooxaha ku lugta leh dhulboobka oo hadda faraha ka baxay, isla markaana laga digaayo inaysan halkaas ku ekaan doonin.

