SO | EN

SO | EN

R/Wasaare kuxigeenka Somalia Saalax Jaamac ayaa sheegay muhiimada ay leedahy qaadashada kaarka dadweynaha

|

Muqdisho (KAAB TV) – R/Wasaare kuxigeenka Soomaaliya  Saalax Axmed Jaamac, ayaa qaatay kaarka Aqoonsiga dadweynaha, isaga oo sheegay in hirgelinta kaarka Aqoonsiga uu xal u noqon doono caqabado badan oo bulshadeenna haysta.

Sidoo kale, R/Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay muhiimadda uu kaarkan u yeelan doono bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan duruufaha amni oo ah caqabadda ugu wayn ee hadda dalkeenu la tacaalayo.

Dhanka kale, Saalax Axmed ayaa intaa ku daray hadda wixii ka danbeeya qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah uu yeelan doono sumad iyo meel xogtiisa loo raaco iyo aqoonsi rasmi ah.

Gabogabadii R/Wasaare Ku Xigeenka, ayaa ku bogaadiyay hay’ada NIRA shaqada waddo, isagoo kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan dadaalka, isla markaana Xukuumadda Dan -Qaran muhiimad gaara siin doonto sidii loo gaarsiin guud ahaan dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News