SO | EN

SO | EN

R/Wasaare Xamze Cabdi Barre oo xafiiskiisa kuqaabilay madax kasocotay Bankiga Ziraat Katilim

|

Muqdisho (KAAB TV) – R/Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xamze Cabdi Barre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo dhawaan xarun cusub ka hirgeliyey magaalada Muqdisho.

Sidoo kale R/Wasaare Xamze ayaa uga mahad-celiyey madaxda bangiga Ziraat Katilim hirgelinta xarunta cusub ee ay ka furteen Soomaaliya, taas oo kor u qaadaysa iskaashiga ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo adkeynta cilaaqaadka ganacsi ee u dhaxeeya labada bulsho ee walaalaha ah.

Dhanka kale, Xamze Cabdi Barre, ayaa ka hadlay fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya ee u baahan in maalgashiga lagu sameeyo, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan kheyraadka ceegaaga dalkooda.

Kulanka uu la yeeshay R/Wasaaraha Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ayaa waxaa ku wehelinayey Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Ibrahim M. Yagli.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News