SO | EN

SO | EN

R/Wasaare Xamze oo looga yeeray Baarlamaanka Federaalka

|

Muqdisho (Kaab TV)– R/Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta hortagay guddoonka iyo guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Fadhiggaan oo uu joobgoog ahaa guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe ayaa waxaa looga waddadhadlay sidii loo xoojin lahaa waddashaqeynta ka dhexeysa Hay’addaha fulinta iyo sharci dajinta.

R/Wasaare Xamze ayaa wax laga wareystay hannaanka shaqada xukuumadda, sidoo kale guddiga ayaa sheegay in uu billaabi doono in ey mid mid ula xisaabtami doonaan Wasiiradda loona yeeri doono.

Xamze ayaa boggaadiyay hannaankan cusub isaga oo tilmaamay in uu Wasiiradda uu ku wargalin doono arrintan, si ey u suurto gasho in lala xisaabtamo, sidoo wuxuu sheegay golaha ansixinta shuruucda muhiimka ah ee dalka, si gaar ah arrimaha deyn cafinta iyo amniga dalka.

Dhanka kale wuxuu tilmaamay in golaha ey meel mariyaan sharuucda wali hortaala iyo kuwa kale ee loo keeni doono oo dalkana muhiim u ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Xukuumadda dan qaran ee uu hoggaamiyo ey diyaar utahy isla xisaabtanka bilowday madaama hadafkeenu yahay dowladd wanaaggsan oo la dagaalanta musuq-maasuqa.

Xamze Cabdi Bare ayaa ugu mahadceliyay wadda shaqeyntooda iyo sida ey waajibaadkoodda dastuuriga ah ey uguteen guddiga joogtada ah, sidoo kale wuxuu sheegay heshiis walbo oo ay gaaran golaha wadatashiga qaran lageyn doono golaha shacabka sida waafaqsan dastuurka xeer hoosaadka golaha.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News