Mudug (KAAB TV) –Bulshada gobolka Mudug, ayaa subaxnimadii hore ee saaka oo Arbaco ah ku waaberiistey maqnaanshaha adeegga isgaarsiinta shirkadda Golis, kadib markii la jaray fiilooyinka xambaarsan khadka internertka ee danabaysan.
Malayshiyaad hubaysan oo ka caraysan mid kamid ah shaqaalaha shirkadda Golis oo shaqada laga joojiyey, waxaana la sheegay inay jareen fiilooyinka xambaara internetka, taasi oo sababtay in adeegyadu hakad galaan.
Maamulka shirkadda isgaarsiinta ee Golis ,ayaa horay marar badan cabasho uga muujiyey ficilada noocaan ah oo ku soo noqnoqday deegaamo katirsan degmada Burtinle ee gobolka Nugaal iyo qaybo kamid ah gobolka Mudug.
Adeegga Internetka ayaa qayb weyn ka qaata guud ahaan shaqooyinka kala duwan ee shirkaddu u hayso Macaamiisha, iyadoo adeegga Fibber Optic oo dhaqaale badan ku baxay laga soo jiidey xeebaha durugsan ee dalalka Carabta.

