SO | EN

SO | EN

R/Wasaarihii hore ee dalka Scotland oo xabsiga loo taxabaay

|

Scotland (Kaab TV) – R/Wasaarihii hore ee Scotland Nicola Sturgeon ayaa la xiray, iyada oo saldhiga lagu hayey illaa toddoba saacadood, ka dib markii ay si iskeed ah u tagtay saldhiga booliska si ay uga qayb gashay waraysi ay la yeelanayeen ciidamada booliska oo ku saabsan, habka loo maamulay lacago uu lahaa xisbigeeda Scottish National Party.

Baarista ay wadaan ciidamada boolisku ayay ku eegayaan, sidii loo maareeyey lacag ka badan $754,140 dollar, taas oo ay ururiyeen xubnaha u ololaynayey madaxbanaanida Scotland, sannadkii 2017, taasoo oo la asteeyey in loo isticmaalo hawlo gaar ah, hase ahaatee ay soo baxday in lacagahaas loo adeegsaday arrimo kale oo aan ahayn hawlihii loogu talo galay.

Xadhiga R/Wasaaraha hore ee Scotland ayaa weji gabax ku noqday, xisbiga SNP, kaas oo ka mida, xisbiyada ugu waaweyn siyaasadda Scotland, labaatankii sano ee ugu dambeeyey.

Sturgeon ayaa sannadkan bilawgiisii waxay ka degtay xilka.

Afhayeen u hadlay xisbiga SNP ayaa sheegay in R/Wasaaraha hore ay u tagtay booliska, si ay su’aalo u weydiiyaan, taas ugu dambayn ay boolisku xidheen, ka dibna ay baaritaan ku sameeyeen.

Nicola Sturgeon ayaa sheegtay inay la shaqaynayso ciidamada booliska ee baaritaanka wada, haddii ay ka dalbadaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News