Adis Ababa (KAAB TV) –Hal maalin ka dib markii ay Itoobiya si rasmi ah u daah-furtay biyo xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) oo ah mashruuca ugu wayn ee laga dhaliyo Korontada qaaradda, ayaa Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed waxa uu kulamo heerkiisu sareeyo la yeeshay madaxda gobolka oo uu kala hadlay ammaanka iyo horumarka Geeska Afrika.
Dadka uu la kulmay waxaa ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Qoraal lagu faafiyay baraha bulshada ayuu Abiy ku sheegay in labada hoggaamiye ay ka wadahadleen danaha gobolka oo ay wadaagaan, ayna mar kale xaqiijiyeen inay ka go’an tahay nabadda iyo xasilloonida.
“Saaka, waxaan sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan ka wada hadalnay danaha guud ee gobolka, waxaana ku celinnay sida ay nooga go’an tahay horumarinta xasilloonida, amniga, iyo horumarka gobolka oo dhan,” ayuu qoray hoggaamiyaha Itoobiya.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli isbedellada siyaasadeed ee Geeska Afrika ay ka socdaan, iyadoo dalalka ay wajahayaan caqabado isa soo taraya oo ay ka mid yihiin amni darro, dhaqaale xumo iyo kala qaybsanaan siyaasadeed.
Arrimaha diblumaasiyadeed ee Abiy waxa ay daba socdeen mashruucii GERD ee si weyn loo sugayay, mashruucan calanka ah oo faan qaran u ahaa Itoobiya, balse sidoo kale ah qodob ay ku muransan yihiin dalalka hoose, gaar ahaan Masar iyo Suudaan.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu sii wado wadahadallada uu la yeelanayo madaxda kale ee Afrika, iyadoo Addis Ababa ay dooneyso inay xoojiso saameynta ay ku leedahay arrimaha gobolka.

