Muqdisho (KAAB TV) -Muqdisho ayaa isu diyaarinaysa soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo la filayo inuu berri soo gaaro caasimadda Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo ku dhow dhow safarkiisa.
Wafdi heer sare ah oo ka socda Addis Ababa ayaa horay u gaaray gobolka Banaadir ka hor safarkiisa.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ka socda diyaar garow loogu jiro soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Abiy, iyadoo la qorsheynayo inuu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wararku waxa ay sheegayaan in booqashadu ay daba socoto ballan-qaad uu hore Abiy u sameeyay inuu u safro Soomaaliya.
Safarkan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu labo jeer booqasho ku tagay Addis Ababa tan iyo December 2024, iyadoo labada mas’uul ay si rasmi ah ugu heshiiyeen xoojinta xiriirka labada dal.
Booqashada Abiy ee Muqdisho, ayaa la filayaa in labada hoggaamiye ay kala saxiixdaan heshiisyo dheeri ah, iyadoo guddiyada farsamada ee labada dal ay sii wadaan wadahadallada dhinacyada muhiimka ah ee iskaashiga ah.